Afhayeen cusub oo loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Afhayeenkii hore oo xilka laga qaaday

0
Saturday April 18, 2015 - 17:02:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeen cusub oo loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Afhayeenkii hore oo xilka laga qaaday

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko, isagoona Magacaabay afhayeen cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko, isagoona Magacaabay afhayeen cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko, iyadoo xilkaas loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane.

Wareegto ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in markii uu Guddoomiyuhu arkay ahmiyada ay leedahay magacaabida xilka Afhayeenka Gobolka Banaadir ayuu Guddoomiyuhu magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta.

C/fataax Cumar Xalane oo ka mid ahaa bahda saxaafada ayaa noqonaya afhayeenkii saddexaad ee xilkan loo magacaabay tan iyo markii Guddoomiye Muungaab uu xilka ka qabtay, waxaa ka horeeyay labo afhayeen.

Afhayeenkii hore iyo Afhayeenka cusub ayaa durba maanta xilka isku wareejeeyay, waxaana Afhayeenkii hore Cali Seeko uu u rajeeyay Afhayeenka cusub inuu xilkiisa u guto si daacad ah.

Wareegtada lagu magacaabay Afhayeenka cusub, loogana qaaday Afhayeenkii hore ayaa sidan u qorneyd:-

 

afhayeen

 

 

 

 

Afhayeenka cusub ee Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane

Afhayeenka cusub ee Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane

Afhayeenkii hore Cali Seeko iyo Afhayeenka cusub C/fataax Xalane oo xilka isku wareejinaya

Afhayeenkii hore Cali Seeko iyo Afhayeenka cusub C/fataax Xalane oo xilka isku wareejinaya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip