Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dubai halkaas uu ugu qeyb galayo shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka

0
Thursday November 30, 2023 - 19:21:38 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dubai halkaas uu ugu qeyb galayo shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Add

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El NiƱo oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Inaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip