Taariikh Nololeedka Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS

0
Sunday June 25, 2023 - 17:36:08 in Maqaallo by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS

    Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali Taliyaha Ciidanka LUGTA ee XDS Waxa uu ku dhashay Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo Sanadka Marka uu ahaa 1969 kii. Waxbarasadiisa Aas Aasiga waxaa ku soo qaatay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali Taliyaha Ciidanka LUGTA ee XDS Waxa uu ku dhashay Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo Sanadka Marka uu ahaa 1969 kii. Waxbarasadiisa Aas Aasiga waxaa ku soo qaatay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sanadihii 1985 kii /1986-kii Waxa uu ka baxay Dugsiga sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Magaalada Muqdisho. Isla Sanadkii 1986-kii waxa uu ku xarooday Kulliyadda Ciidanka ee Jaalle Siyaad.

Sanadkii 1988-kii waxaa uu ka qalin jabiyey Kulliyadda Ciidanka ee Jaalle Siyaad, isagoona halkaasi ka qaatay Xidigtii ugu horreysay, isla sanadkii 1988-kii isagoo ka tirsan qeybta 60 aad gaaska 13 aad ee CXDS waxaa uu qaatay Xidigtii Labaad.

Waxaa uu soo noqday Taliyaha Horinta Military police sanadkii 1990-kii waxaa loo dalacsiiyey Darajada Dhamme/Kabtan,


BurBurkii Dowladii Dhexe ee dalka ka jirtay ka dib waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii aan dalka ka Bixin.

Sanadkii 2006-kii xiligii Dowladii ku meel gaarka aheed waxaa loo Magacaabay Taliyaha Ururka Seddaxaad ee guutada 15 aad ee CXDS.

Sanadkii 2007-kii waxaa uu tababar u aaday Dalka Ethopia, waxaa uuna ku soo bartay Saadka&Howlgalinta.

Sanadkii 2008-kii waxaa loo Magacaabay Taliyaha Saadka&Ururka Farsamada Guutada Danab.

Sanadkii 2009-kii waxaa loo Dalacsiiyey Darajada Gaashanle waxaana loo Magacabay Taliyaha Saadka ciidanka Dhulka ee XDS.

Sanadkii 2011-kii waxaa loo Magacabay Taliyaha ururka koowaad ee Guutada Koowaad ee CXDS.

Sanadkii 2012-kii waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashanle Dhaxe waxaana loo Magacabay Taliyaha Guutada 4 Aad ee Qeybta 12 Apri,l
isagoo ah Taliyaha Guutada 4 Aad waxaa loo dalacsiiyey Darajada Gaashanle Sare.

Sanadkii 2016-kii waxaa loo dalacsiiyay Darajada Sareeyo Guuto, waxa uu soo Noqday Taliye ku xigeenka Qeybta 12 April ee XDS, ugu Dambeyntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS.

Taliyahaan cusub ee Ciidanka Lugta Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, xilkaasi loo magacaabana Ilaah Subxaana Watacaalaa ha laga gatab galo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip