MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TANSAANIYA

0
Thursday July 21, 2022 - 13:06:56 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TANSAANIYA

    Muqdisho, Luulyo 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Luulyo 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya. 


Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. 

DHAMMAAD




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip