Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

0
Sunday May 01, 2022 - 13:47:37 in Wararka by
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

    Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey'adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda1-da Mayoo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey'adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda1-da Mayoo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

Halgankii xoogsatada

1889-kii waa markii ugu horeysay ee dalal ka mid ah caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay aqoonsadaan kacdoonadii ururada xoogsatada ee looga horjeeday maamulada warshadaha iyo milkilayaasha beeraha,kuwaas oo sanado badan ku eedeysnaa in ay ku kaceen xadgudubyo iyo gaboodfallo kale oo dhan ka ahaa shaqaalaha.

Aqoonsigaasi waxa uuahaa mid ku kooban shaqaalaha ka howlgala dalalka Yurub iyo Mareykanka, hasa yeeshee Afrika,Aasiya iyo Laatiin Ameerika xilligaasi waxaa ka jiray tacadiyo dhan ka ah xoogsatada,mana jirin sharci ogolaanaya saacado kooban oo la shaqeeyo.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 67-aad ee aasaaska ururka shaqaalahaSoomaaliya.

Shaqaalaha Soomaaliya

Bishii Maajo 1949kii,waa markii ugu horeysay ee la bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,iyadoo gacan laga helayo ,Xubno matalaya shaqaalaha oo taageero ka helaya Ururkii SYL ee gobanimo raadinta .

Sanadkii 1955-tii, Ururka Shaqaalaha waxa uu u dareeray doorashadii ugu horeysay,waxaana ku soo baxayAhmed Guure Ma’muun oo noqday guddoomiye, halka jagada xoghayaha guud uu isna helay Cabdulqadir Cali Boolaay.

Ururku,waxaa uu sameeyay sharci damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha,,isla markaana xal u hela dhibaatooyinki lagu qabay milkilayaashii warshadaha iyo beeraha,waxaana qodobadii sharcigaasi ka mid ahaa jaangoynta saacadaha shaqada, wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta.

Sidoo kale,ururku,waxa uu ku guuleystay in uu xiriirro wanaagsan la sameeyay dhaq-dhaqaaqii shaqaalaha ee loo yaqiinnay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,Ururka Caalamiga ee is-bahaysiga Ganacsiga xorta ah I.C.F.T,kii Urur weynaha Shaqaalaha Afrika (All Africain Labour Organazations), iyo Urur Goboleedka Shaqaalaha Afrika.

15-kii June 1957dii,waxaa bilowday martiqaadyo iyo soo dhoweyn uu ururku ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka ILO),isagoo kalsooni ka heystay xukuumadda Talyaaniga oo mar kale sanadkii 1950-kii ku soo laabtay dalka,kadib kolkii Qaraada Midoobay ay ogolaatay in Soomaaliya la maamulo 10-sano oo xornimo gaarsin ah.

In xoogsatada Soomaaliya ay ka mid noqdaan ururada shaqaalaha dunida.waxay aheyd tallaabomuhiim ah,sidaa aawadeed,sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ku biirto Ururka Calamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organazation (ILO),

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

In dhismaha Heyadaha dowladda loo adeegsado qaab hantiwadaag ah waa nidaamkii ugu horeeyay ee ay la timid dowladdii kacaanka ee talada dalka la wareegtay1969-kii ,waxaana magacii ururka shaqaalaha Soomaaliya lagu badalay Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaga,kaas oo ,door weyn oo la taaban karo ka soo qaatayilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo kobcinta xagga aqoonta Shaqaalaha.

Burburkii dowladnimo ee dhacay 1991-dii, kadib , Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ,waxa ay ka mid noqdeen hey’adha u nugul colaadaha ee sida fudud ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye,waxaana meesha ka baxay nidaam loo baahnaa in lagula xisaabtamo Ururada Caalamiga ah iyo NGO-yada gudaha ee galay booskii dowladda.

Gudigga shaqaalaha rayidka

Mar kale,waxaa lagu guuleystay dhismaha Gudddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka,kaas oo baddalay magacii Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha, wuxuuna si toos ah u qaatay doorkii wax ku oolka ahaa ee habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,gaar ahaan la socodka xaaladaha shaqaalaha .

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka .

Waxaa haboon in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip