Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab

0
Sunday May 01, 2022 - 13:45:40 in Wararka by
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanada Leego iyo Jameeco oo ka wada tirsan gobolada Shabeellaha hoose iyo Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanada Leego iyo Jameeco oo ka wada tirsan gobolada Shabeellaha hoose iyo Baay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanadaas, inta uu howlgalka socday ciidamada xoogga dalka waxay baaritaan ku sameynayeen dadka iyo guryaha iyagoo baadi goobaya argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya halkaas.

Taliyaha ururka 4-aad, guutada 16-aad dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay bur buriyeen goobo Al-Shabaab lacago baad ah ay kaga qaadayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta, isagoo dhanka kale, wacad ku maray in ay sii wadayaan howlgalka inta laga soo afjarayo gumaadka argagixisada ay shacabka ku hayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip