Ciidanka NISA ayaa howlgalo ka sameeyay Baydhabo

0
Wednesday September 15, 2021 - 19:03:07 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka NISA ayaa howlgalo ka sameeyay Baydhabo

    Howlgalkan uu horkacayey Taliyaha Hay,aada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed ayaa ujeedkiisu ahaa kamira-dhalinta, xaqiijinta Amniga Xarunta ku meel gaarka uah Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan uu horkacayey Taliyaha Hay,aada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed ayaa ujeedkiisu ahaa kamira-dhalinta, xaqiijinta Amniga Xarunta ku meel gaarka uah Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo iyo ka hortaga Falalka guracan ee Argigixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed ee aan Waxba galabsan.
Gawaarida isticmaasha Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo qeybaha kala duwan bulshada ,ayaa mid mid loo Baaray ,waxaana loo sheegayay muhiimada ay leedahay in amniga la wada ilaaliyo.


Taliyaha Hay,aada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed oo Howlgalka Horkacayey ayaa Tilmaamay, in kan Nabad Sugid ahaan ay ka,go'antahay  Masuuliyada loo igmaday ee ah ilaalinta Amniga Shacabka ay u gudan doona si hufnaan ah ,ayna kordhin doonan Howlgalada Noocan ah ee lagu sugayo Amniga Magaalada ,si Dhibaatada A-lshabaab u gaysanayaan shacabka looga Hortago.


 Taliyaha ayaa dhanka kale ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Hay,aadaha Amniga si loo sugo Amnigooda.

Mudooyinkii u dambeyey Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaran qeybta koonfur Galbeed, ayaa wada Howlgalo lagu sugayey Amniga Magaalada Baydhabo, iyadoona dhowaan howlgal noocan ah ay ka sameeyey Xaafadaha Magaalada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip