Warbixin Ku Saabsan Casharkii Lama Iloobaanka Ahaa Oo Ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed U Dhigeen Calooshood U Shaqeystayaal Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab.

0
Tuesday April 06, 2021 - 22:13:44 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Ku Saabsan Casharkii Lama Iloobaanka Ahaa Oo Ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed U Dhigeen Calooshood U Shaqeystayaal Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab.

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo 14-ka Oktoobar ayaa si wadajir ah casharo lama ilaawaan ah oo ayasan ka soo waaqsan doonin u dhigay Maleeshiyada Al-shabaab, ka dib markii ay isku dayeen iney weeraraan fariisimo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo 14-ka Oktoobar ayaa si wadajir ah casharo lama ilaawaan ah oo ayasan ka soo waaqsan doonin u dhigay Maleeshiyada Al-shabaab, ka dib markii ay isku dayeen iney weeraraan fariisimo ay Ciidamadu ku lahaayeen degaanka Bariire iyo degmada awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo gaaray jiida hore ee dagaalka ayaa Warbaahinta Ciidamada u sheegay in cadawga lagaarsiiyay qasaare xoogan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, hub iyo gaadiidna ay kala wareegeen kooxaha nabaddiidka ayna gacanta ku hayaan ciidanka maxaabiis isugu jirta kuwa dhaawac ah iyo kuwo caafimaad qaba.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale sheegay iney ciidamadu yihiin geesiyaal u taagan gudashada waajibaadkooda qaran lana gaaray waqtigii la soo afjari lahaa kooxaha nabaddiidka ah, cashar bixinta ay sameeyeen Guutooyinka 14-ka Oktoobar iyo Gorgor waa mid tusaale fiican u ah sharwadayaasha taasina waxay keentay in Ciidanku ay soo furtaan hub fara badan iyo saanad ay kooxaha argagaxisadu ku damacsanaayeen iney shacabka ku gumaadaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Shabeellada Hoose iney ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanadooda loo sugo.



Waxaa jira Muuqaalo lagu baahiyay barta Internetka oo lagu soo dhigay meydadka Maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xasuuqay degmada awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose ku waasi oo laga dilay in ka badan 80 dhagarqabe oo ay ku jiraan ajaanib ka soo kala jeeda qowmiyada oromada.

Casharada lama ilaawaanka ah oo ay bixiyeen Guutooyinka 14-ka Oktoobar iyo kumaandoosta Gor Gor ayaa ku baxay horjoogayaan kooxda muhiim u ahaa. Xuseen Ganeey oo ahaa Horjoogii Maleeshiyada Argagixisada Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta iyo marin haabinta bulshada oo dhaawac xoogan ka soo gaaray dagaalkii ay Ciidanka X. D. S 03-04-2021-kii qasaaraha xoogan ku gaarsiiyeen Degmada Owdheegle ayaa 05/04/2021-ka ugu dhintay daaweyn iyo daryeel la aan Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Horjooge Maxamuud Raage Jiisoow oo magaciisa afgarashada kooxda uu ahaa (Abuu Daariq) una qaabilsanaa kooxda qaybta Qaraxyada Miinooyinka Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Hoose ayaa isaguna dhaawac xoogan ka soo gaaray dagaalki Degaanka Bariire ee ay Ciidanka X. D. S jabka xoogan ku gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa u geeriyooday 06/04/2021-ka.

Dhanka kale Horjooge Muuse Kooble oo ahaa ku xigeenka (Abuu Daariq) nabaddiidkana u qaabilsanaa qaybta Qaraxyada Miinooyinka ee Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo 6 dhagar-qabe oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayaa 28-03-2021-ka kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhgarqabayaashan ayaa Argagixisada muhiim ugu ahaa maleegida dhagarta Shacabka, maadaama ay aad ugu xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada Miinooyinka, ku waa soo isku dayey iney awooda saaraan sidii ay Qaraxyo kala duwan uga fulin lahaayeen Gobolka Banaadir.

Ha’yaddaha Amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu mahad celiyay geesiyaasha Ciidanka X.D.S. ee horay u helay xogta Maleeshiyaadka ee ku aadan Dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed sida geesinimada lehna uga hor tagay isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awooda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Ha’yaddaha Amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ilaah uga baryeen inuu naxariistii jano siiyo Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku shahiiday badbaadinta Shacabkooda, kuwa uu dhaawaca ka soo gaaray Jihaadka ay kula jireen Argagixisada Dhiig-miiratada ah ee Alshabaab inuu ilaah caafimaad dag dag ah uu siiyo.

Hadii aan dib u milicsano xusuusta diiwaanka taariikhda dalkeena soomaaliya ayaa sifaahfaahsan loogu sharaxay muhiimada uu dhulkaasi u leeyahay bulshada soomaaliyeed Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Bariire dhamaantood waxay ka tirsanyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose
Waa dhul beeraad istiraatiiji ah, oo uu wax soo saarkiisa aad utayo sareeyo oo uu nimco iyo barwaaqo ilaah ku maneystay waxaa ku nool dad beeralay ah oo nabadda jecel kuna dadaala wax soo saarka, ku waa soo tacbada noocyada kala duwan ee dalaga sida:- Galeyda, Sisinta, Masagada, Digirta, iyo noocyada kala duwan ee qudaarta oo ay ka mid yihiin Yaanyada, Basasha, Cambaha, Seytuunka, Liinta, Isbaandheeska, Muuska, Babaayga, iyo qudradaha kale.

Balse Deegaanka Bariire waxaa mara wadada dheer ee isku xariirisa Muqdisho, Afgooye, Awdheegle, Mubaarak, Janaale, ilaa Marko, wuxuu leeyahay buundo kala qaybisa magaalada, wuxuuna ka kooban yahay ilaa iyo 6 xaafadood oo waa weyn Degmada Afgooye wuxuu u jiraa 30-km halka Caasimada Muqdisho uu ay u jirto ilaa iyo 60-km.

Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Bariire ayaa sameeyay horumar kala duwan oo la taaban karo tan iyo markii gacan ku heyntooda ay si dhab ah ula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgallada isdaba jooga ah ee ka socda dhamaan Gobolada Dalka ayaa ah mid muujineysa sida ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay awood ugu leeyihiin iney ku beegsadaan kooxaha argagixisada goob kasta oo ay kaga suganyihiin gayiga Soomaaliya.
W/D Oo Qalinka U Qaatay Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip