Wax ka Baro Taariikhda Ciidanka Badda Iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya.
Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa markii u horeysay la aas-aasay 1950-kii waxa ayna qeyb ka ahaayeen waqtigaasi ciidan uu aas-aasay Gumeysigii talyaaniga.
Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha
soomaaliya waxa ay ka qeybqaateen dagaalkii 1964-kii dowlada soomaaliya ay
lagashay dowlada itoobiya iyagoo xilligaasi ay kaga qeyb-qaadanayeen gudbinta
saadka si ay uga talaabiyaan wabiga inkastoo ay ku sugnaayeen dhanka dooloow,
waxaana lagu magcaabi jiray Kooxda badda ee koofurta soomaaliya.
Sanadkii 1963kii waxaa safar dalka Ruushka ku
tagay raisulwasaarihii xukuumadii xilligaasi Dr:-C/rashiid Cali Sharmaarke iyo
taliyihii ciidamada xoogga ee soomaaliya Gen:- Daauud C/lle Xirsi waxayna
heshiisyo la soo galeen daowladii ruushka.
Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa in ciidanka
badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab melatari oo dhanka badda ah
sida maraakiibta dagaalka.
Sanadkii 1964-kii waxaa si rasmi ah loo hoos
geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysay 40-askari oo
isugu jiray Saraakiil S/xigeen iyo Dabley Saraakiishaasi waxaa ka mid ahaa
Khaliif Macoow, Xasan Xalane, iyo Jeylaani.
Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya
waxa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ciidanka xoogga
dalka soomaaliyeed ayaa ah guud ahaan mid ka kooban Ciidanka Dhulka Ciidanka
Cirka Ciidanka Badda iyo Ciidanka Difaaca Cirka.
Bishii febaraayo sanadkii 1965-kii ayaa
dowlada ruushka waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowlada soomaaliya waxa
ayna 10kii febaraayo 1965-kii ay ku wareejisay ciidanka badda iyo difaaca
xeebaha soomaaliya, maraakiibtii uu balanqaaday saraakiisha ciidanka badda oo
sirasmi ah uga tirsanaa Wasaarada Gaashaandhiga waxaana maalintaasi loo
aqoonsaday maalinta ciidanka badda looga dabaaldago jamhuuriyada soomaaliya.
Ciidamada badda ee soomaaliya waxaa
tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Ruushka mudo sanad
ka yar waxaa ciidanka badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxa ay
ciidanka badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa
ama ku tixnaa iyo ciidamo ku dagaalama dhulka.
Sanadkii 1977-kii markii uu dhacay dagaalkii
xoreynta soomaali galbeed ciidamada badda waxa ay lahaayeen 20-markab, 10 urur
oo Commandos ah oo badda iyo berigaba ka dagaalama, 15-bar oo xeebaha ku tixnaa
iskuul wax lagu barto oo ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo xaruntiisu
ahayd magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.
Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu
barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Baraawe,
waloow marlii dabe ay isku dhaceen dowlada soomaaliya iyo ruushka waxaana hoos
u dhac ku yimid awoodii ciidanka.
Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha
soomaaliya waxaa soo maray Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif
Macoow Col- Cali Xaashi Barre, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, Admiral Saciid
C/lla Cumar, Admiral Faarax Qare, Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow,
Admiral Xasan Nuur Coljoog, Admiral Cabaas Amiin Cali iyo Admiral Cabdixamiid
Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha
Soomaaliya.
Sanadkii 1991-kii Bur-burkii dowladii dhexe
ee soomaaliya dalka ayaa ahaa mid galay dagaal sokeeye maraakiibtii qaadi
jirtay sawaariikhda waxaa lageeyay magaalada cadan ee dalka yaman si midabka
looga badalo, sidoo kale marakabkii ugu weynaa ee ciidamada lagu daad gureyn
jiray waxaa ugu wardambeysay magaalada mombaasa halka maraakiibtii kale ee
ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada kismaayo.
Balse Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha ee
soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii saameeyay dalka
waxa ayna iminka heystaan Doonyo dheereeya ku waa soo sameeya sahanka ilaalinta
dakadaha iyo biyaha dhow, dagaalna ka gali kara meelaha dhow dhow.
Laakiin waxa ay haatan ku tala jiraan sidii
wax looga qaban lahaa kooxaha qowleysatada ah ee sida sharci darada ah uga
kalluumeysanaya bad-weynta soomaliya oo dhex ceygaaga qeyraadka faraha badan
iyo burcad badeedda ku howlan Afduubka Dhoofinta Dhuxusha Iyo Hubka.
By:- W/D Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye
Wax ka Baro Taariikhda Ciidanka Badda Iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya.
10-kii bishii febaraayo 1965-kii waxaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha soomaaliya laakiin dhismaha ciidanka badda xilligaasi ka hor waxa uu dhisnaa mudo 15-sano ah.