Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Taliska ciiidanka Cirka xoogga Dalka Soomaaliyeed 'SAWIRRO"

0
Sunday January 24, 2021 - 16:08:04 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Taliska ciiidanka Cirka xoogga Dalka Soomaaliyeed 'SAWIRRO"

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka cirka xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka cirka xoogga dalka Soomaaliyeed.

kormeerkaan shaqo ee uu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ku tagay taliska ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Afisooni ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku suganyihiin ciidanka Cirka iyo baahiyaha ay qabaan .

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidankaCirka Soomaaliyeed waxaana uu ka dhageestay warbixin la xiriirta xaaladda ciidanka Cirka.

Taliyaha ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta ka dib kulamadii ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu sheegay in Taliska ciidanka Cirka ay ku faraxsanyihiin booqashada uu maanta ugu yimid Wasiirka Difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in ay ka go’antahay tayeenta iyo horumarinta guud ahaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxa uu xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dib-u-habeynta ciidanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip