Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Dhuusamareeb''Sawirro''

0
Tuesday June 02, 2020 - 17:37:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Dhuusamareeb''Sawirro''

    Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ku guda jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , isagoo kormeer ugu tagey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ku guda jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

 

General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ayaa kormeeray Xafiisyada Taliska qeybta 21Aad iyo rugaha ciidamada Xoogga Dalka.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Taliyaha Qaybta 21-aad General: C/casiis C/laahi Cabdi "Qooje" , Taliyaha Guutada 15-aad General: Mascuud Maxamed Warsame iyo Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad, cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay isagoo intaa kadibna dardaaran u jeediyay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada dhuusamareeb.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip