
WARBIXIN KU SAABSAN MARXALADIHII AY SOO MAREEN CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.
Taariikhda Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waa arrin marka laga hadlayo ay kaaga soo dhex muuqaneyso sharaf, karaamo, magac wanaagasan, geesinimo iyo guulo ay u soo hoyeen ummadda Soomaliyeed.
Waajibaadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waa Inuu difaaco
Dalka iyo Dadka soomaliyeed, kana difaaco dhinacyada badda,cirka iyo dhul Cadow
kasta oo isku daya in uu kusoo xadgubo gayiga soomaaliya.
Ciidanka
Xooga Dalka Soomaaliya waxaa lagu aminay oo ay difaacaan Calanka Ummada Soomaaliyeed.
Xubin kasta oo katirsa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya marka uu
ku soo biiro ciidan ka waxa uu ku dhaaranayaa in uu difaacayo dalkiisa una
hurayo naftiisa xubin kasta oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa
lagu maamuusay in uu xirto calaamad ka samaaysan calanka soomaaliya.
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la asaasay 12 April
sanadku markuu ahaa 1960, waxa uuna ka kooban yahay ciidamada Lugta, Bada iyo
Cirka.
Markii ay Soomaaliya xoriyada qaadatay Sanadkii1960kii,waxaa
ogolaasho ama fasax ay ka heshay Qaramada Midoobay Si ay u dhisato ciidan
ilaaliya xudeeda.
Waxaa ciidamadii ugu horeeyeyee soomaliya ay dhisato laga kala
keenay labadii qeybood ee ka xoroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.
Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya uu yeesho
waxuu ahaa General Daa’uud Cabdulle Hirsi, kuxigeenkii suna waxuu ahaa General
Maxamed Siyaad Barre.
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa kadambeeyay waa
la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcayay.
Ciidanka Xooga Dalka ayaa ah mid mudan in loo mahad celiyo iyo
Saraakiishii usoo dhabar adeegtay dhismaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya,
waxaa iminka la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa tayada Ciidanka Xooga
Dalka Soomaaliya.
Sanadkii 1976-kii waqtigaasi Dawldda Soomaliya si qarsoodi ah ayey ugu diyaar
garoowday dagaalkii Soomali Gabeed waxaa Ciidamada lagu qiyaasayey in ay
tiradoodu gaareysay Xilligaasi.
·
23 Guuto oo ciidanka lugta ah
·
2 Guuto oo Komaandooska ah
·
9 Guuto ooTaangi ah
·
9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah
·
4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah
·
Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52dayaaradood, 24 ka mid ah waxeey ahaayeen kuwa Miiga 21
·
Qaaybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida Qeybta 60-aadee Magaalada Baydhabo, Qeybta 21-aad ee Magaalada Dhusamareeb,
iyo Qeybta 26aad ee Magaalada Hargeeysa.
·
Saldhigyada waxay kala ahaayeen 43-aad ee Magaalada Kismayo,iyo 54-aad ee Magaalada Garowe.
·
Ciidanka Bada Saldhiyadiisa waxay ku yaaleen Magaalooyinka Muqdishooo Banaadir ah, Kismayo oo Jubbada Hoose ah iyo Berberaoo Waqooyi galbeed ah.
12 Bisha April Sanadkan 2016ka waa Sanad Guuradii 56-aad ee ka
soo wareegtada Xilligii La aas-aasay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
Hadaba waa
side Xaalada Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya?
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa haatan ah mid uu ku socdo
dib u dhis aad u balaaran waxa ayna tababaro iyo caawinaadba ay ka helaan
dowladaha ay xiriirka dhow la leedahay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka
Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
WARBIXIN KU SAABSAN MARXALADIHII AY SOO MAREEN CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.
Taariikhda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya waa mid ka mid ah Hantida ugu faca weyn oo ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed, waaa hanti ma guurto ah iyo Xasuus ku keydsan dadka garan kara qiimaha ay luuyahay Aas-aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed