Haween UGUS lagu eedeeyay oo maxkamad lasoo taagay Kenya.

0
Thursday May 07, 2015 - 09:17:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween UGUS lagu eedeeyay oo maxkamad lasoo taagay Kenya.

    Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa u soo jeedisay 4-qof oo haween ah in ay doonaayen in ay u soo socdaalan Soomaaliya kuwaasi oo maxkamada ay sheegtay in ahaayeen xubno ka tirsan UGUS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa u soo jeedisay 4-qof oo haween ah in ay doonaayen in ay u soo socdaalan Soomaaliya kuwaasi oo maxkamada ay sheegtay in ahaayeen xubno ka tirsan UGUS.

Afartaasi haween ee maxkamada kasoo muuqday ayaa lagu kala magacaaba Khadija Abdulkadir, Halima Ali, Mariam Aboud, iyo Ummu-l-Khayr Sadir Abdulla kuwaasi oo dacwadii loo soo jeediyay ka diiday maxkamada horteeda,3-da haween ee hore ayaa kasoo jeeda dalka Kenya halka mida 4-aad ay tahay haweeney kasoo jeeda dalka Tanzania.


Haweenkaasi aya waxaa lagu helay dambi ku aadan in ay shaqsiyaad ka dagaalamaya Suuriya ay xiriir la lahaayeen waxana laga qabtay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in dacwadooda dib loo dhageysto.

Dacwad oogayaasha Maxkamada ayaa sheegay in Halima Ali 3-dii April ay u socdaalaysay magaalada Nairobi isku day ay ku doonaysay in ay weeraro argagexiso uga geeysato magaalada iyadoo xubin muhiim ah ka ah Xarakada Al-shabaab.

Haweenkaasi ayaa waxaa dib loogu celiyay xabsiga si ay su’aalo dheerad ah haweenkaasi u waydiiyaan.


Mid kamid ah haweenkaasi ayaa dooneysay in Soomaaliya ay u timado si ay u guursato sargaal ka tirsan maleeshiyaadka gabalkoodda sii dhacayo ee UGUS.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip