Horjooge Katirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Kusugan Koonfurta Mudug

0
Thursday July 24, 2025 - 12:31:10 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge Katirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Kusugan Koonfurta Mudug

    Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta arxan darran ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee ku sugan koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan difaacyada ku yaalla Wisil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta arxan darran ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee ku sugan koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan difaacyada ku yaalla Wisil.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Axmed Diiriye Raadgoob, laguna naaneyso Kala-foge, ayaa muddo ka tirsanaa Khawaarijta welina ku howlanaa falalka gumaadka iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Isu soo dhiibistiisa ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalmahan dambe ay Ciidamada deegaanka ee fadhigoodu yahay Wisil iyo Baxdo kordhiyeen howlgallada baacsiga Khawaarijta iyo burburinta saldhigyadii ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in cadaadis joogto ah la saaro Khawaarijta, taas oo keentay in xubno badan oo ka tirsan ay ka fakadaan ama isu soo dhiibaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip