Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Dhiirrigelin ah ku Tegay Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tegay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe,
oo ay kamid tahay aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ciidanka geesiyaasha ah ee xoogga dalka ay si adag ugu baacsanayaan kooxaha Khawaarijta.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiidda hore ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka iyo gaboodfallada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay siiwadaan garab istaaga ciidamadda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadka.