
Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidamada oo ka qeyb qaadanaya u diyaar garowga Xuska 12-ka April "Sawirro"
Qaar ka mid ah Shaqaallaha Idaacadda codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo uu horkacayo ku simaha Agaasimaha Idaacada Maxamed Muuse Maxamed, ayaa ka qeyb qaadanaya u diyaar garowga xuska 12ka- April , waxaana qurxin iyo rinjiyeen ay ku sameeyeen qeybaha ay marayaan Ciidanka Xoogga ee dhoola tuska loo diyaariyey.
Sidoo kale Maamulka Idaacadda oo kaashanaya Taliska Ciidanka Xoogga dalka, ayaa waxay diyaariyeen barnaamijyo ka hadlaya Taariikhda 12-ka April, farriimo iyo suugaan wadani ah oo loo diyaariyey maalintaan, waxaana idaacadda isbuucaanba ay bilowday baahinta barnaamijyadaasi.
12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.
Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidamada oo ka qeyb qaadanaya u diyaar garowga Xuska 12-ka April "Sawirro"
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarun sidoo kale u ah Taliska Ciidanka Xoogga dalka, ayaa waxaa ka socda u diyaar garowga Xuska 12-ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Difaaca Qaranka, waxayna sanadkaan u daba