
Maxkamada Ciidamada oo Xafiis Cusub ka furatay Xudur
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa Xafiis Cusub ka Hirgalisay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Munaasabad lagu Daah Furayay Maxkamada Cusub ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku yeelatay Gobolka Bakool ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa Gudoomiyasha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Masuulyiin ka Tirsan Maamulka Koon Furgalbeed.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya General Libaan Cali Yarow oo Munaasabada ka Hadlay ayaa sheegay in Furitaanka Maxkamada Cusub ee Ciidamada qalabka sida ay qeyb ka Tahay Dadaalka Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay ugu Jirto in Dalka oo dhan laga Hir galiyo Garsoorka
GSare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xusay in Xafiiskaan Cusub uu Noqon Doono Mid Hoos Yimaada Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya isla Markaana Loogu shaqeynayo Shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool
Dhinaca Kale Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa Degmada Xudur u Gaaray Qaadista kiis la sheegay in ay Geesteen Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka
Maxkamada Ciidamada oo Xafiis Cusub ka furatay Xudur
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa Xafiis Cusub ka Hirgalisay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.