
Beelo Walaalo ah oo ku Dagaalamay Marko oo Heshiis gaarey
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca ka qaaday in labadii beelood oo ku dagaalmayay Gobolka S/Hoose ay heshiis gaareen. Isagoo u warramayay Wakaalada Wararka Somaliyeed ee SONNA. Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in maanta magaalada Marka lagu soo gabgabeeyay heshiis lagu soo afjarayo colaadii u dhaxeyay beelihii dhawaanhanba hurgufta ka dhaxeysay ee Degaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.
Qodobada horudhaca u ah heshiiskaasi waxaa ka mid ah:-
1-Xabad joojin
2-In shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale.
3-in magac qabiil la isku adeegsan iydoo colaad lagu hurinayo.
4-Amisom iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliya inay ilaaliyaan in dhinacyada ishaysta mid waliba halka ay joogto soo dhaafin
Talaabadan ayuu sheegay inay ka danbeysay wada hadalo laba usbuuc u socoday waxgaradka beelahaasi, ayna Talaabadan sida uu Guddoomiyihu sheegay ay soo dhaweeyeen dadweynaga Gobolka Sh/Hoose.
Warku wuxuu intaa raaciyay in laba dhinac heshiiska gaaray ay ku balameen in hadii allah idmo berito la kala qaado Maleeshiyaadka is hor fadhiya.


0 

Beelo Walaalo ah oo ku Dagaalamay Marko oo Heshiis gaarey
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca ka qaaday in labadii beelood oo ku dagaalmayay Gobolka S/Hoose ay heshiis gaareen. Isagoo u warramayay Wakaalada Wararka Somaliyeed ee SONNA. Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in maanta magaalada Marka l