Ciidanka xoga dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa dilay in ka badan 20 Khawaarij ah

0
Sunday May 26, 2024 - 13:57:06 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoga dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa dilay in ka badan 20 Khawaarij ah

    In ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland.

Hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Caalmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland.
Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka go’an dhamaystirka argagixisada si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip