Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka sameeyay degaanno ka tirsan gobalka Hiiraan

0
Wednesday September 21, 2022 - 11:04:59 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka sameeyay degaanno ka tirsan gobalka Hiiraan

    Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB iyo Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ururuka 8-aad Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo amni xaqiijin ah kawada degaanadii dhowaan laga saaray maleeshiyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB iyo Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ururuka 8-aad Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo amni xaqiijin ah kawada degaanadii dhowaan laga saaray maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo bariga Gobolka Hiiraan.
Degaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane, Baardheere, Booco, Garasyaani iyo degaanno kale oo ku teedsan jiin Wabiga Shabeelle.

Howlgalladan ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Dadka ku nool degaannada ay la wareegeen Ciidanka xoogga ay soo dhaweeyeen lawareegitaanka degaannadaas oo argagixisada ay ku dhibateeyn jireen dadka degaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho ku maraya degaannada laga saaray Al-Shabaab, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip