Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Boggaadiyay Howlgalada Ka Socda Gobalka Hiiraan

0
Saturday August 20, 2022 - 16:13:00 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Boggaadiyay Howlgalada Ka Socda Gobalka Hiiraan

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobalka Hiiraan oo ka tirsan Mamulka Hir-Shabelle.

"Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay boggaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kashanayo Ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka gobalkaasi ka qaateen sidii cadowga shacabka looga sifeyn lahaa Hiiraan "Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

Sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca argagaxisada ayaa laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan "Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

"Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

"Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”. ayuu yiri wasiirka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip