Masuuliyiin kasocotay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer ku yimid Xarunta Warbaahinta Ciidamadda.

0
Sunday January 10, 2021 - 19:51:28 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin kasocotay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer ku yimid Xarunta Warbaahinta Ciidamadda.

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cabdi Kooshin oo uu wehliyo Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Dhexe C/llaahi Xuseen Dhuxulow ayaan maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta ay ku howlgasho Warbaahint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cabdi Kooshin oo uu wehliyo Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Dhexe C/llaahi Xuseen Dhuxulow ayaan maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta ay ku howlgasho Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka iyo shaqaalaha Warbaahinta Ciidamada Qalabsida soo dhaweynta ka dib waxay kormeer ku sameeyeen masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee ay ku shaqeyso Warbaahinta Ciidamada.

Agaasimaha Warbaahinta Ciidamada Qalabsida, Mudane Maxamed Muuse Maxamed ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay qaabka ay u shaqeyso warbaahinta iyo shaqada wanaagsan oo ay u qabtaan bulshada soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida.

Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Dhexe C/llaahi Xuseen Dhuxulow oo hadalka qaatay ayaa ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan shaqaalaha idaacada codka ciidamada qalabka sida mar walibana ay muujiyaan dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan si horumar kan ka sii wanaagsan ay u sameeyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna uu mar waliba garab taagnaandoono.

Agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga ayaa marka hore ka mahadceliyay sida wanaagsan ee soo dhaweynta loogu sameeyay wuxuuna shaqaalaha kula kardaarmay iney sii laba jibaaraan shaqada wanaagsan oo ay u hayaan dalka iyo dadka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna ay garabtaagnaanyihiin xilliwalba.

Dhanka kale Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof Cusmaan Abuukar Dubbe waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa xiriirka wada shaqeynta ee ka dhaxeya labada Wasaaradood Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyi Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida.

Wxuuna Wasiir dubbe ku amaanay shaqaalaha warbaahinta Ciidamada qalabka sida, sida wanaagsan oo ay ugutaan waajibaadkooda shaqo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip