Taliyaha ciidanka XDS oo Kampala uga qaybgalaya shir ku saabsan ciidanka howlgaka Midowga Afrika

0
Saturday August 01, 2026 - 14:55:15 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka XDS oo Kampala uga qaybgalaya shir ku saabsan ciidanka howlgaka Midowga Afrika

    Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca (CDFs Meeting) ee Dalalka Ciidamada ku taageera Haw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca (CDFs Meeting) ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee Soomaaliya, dib u eegista horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, xaaladda guud ee hawlgalka AUSSOM iyo taageerada la xiriirta, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo isku duwidda hawlgallada wadajirka ah ee u dhexeeya Ciidanka XDS iyo Ciidamada Hawlgalka AUSSOM.

 

Intii uu shirku socday, madaxda ka qayb gashay waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqeynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamadooda qaybta ka yihiin hawlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka, korna loogu qaado awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, loona xoojiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

 

Ka qaybgalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shirkan ayaa muujinaya doorka hoggaamineed ee Ciidanka XDS ku leeyahay xoojinta iskaashiga amniga gobolka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni iyo isku filnaanshaha awoodda difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

31846.jpg
31843.jpg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip