Afhayeenkii Maleeshiyaadka Al-shabaab Oo Kuxanuunsanaya Oo Jubada Hoose,

0
Thursday November 12, 2020 - 20:32:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenkii Maleeshiyaadka Al-shabaab Oo Kuxanuunsanaya Oo Jubada Hoose,

    Xog ay heshay Idaacadda C.Q.S ayaa sheegeeysa inuu xanuusanayo afhayeenka maleeshiyaadka al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere islamarkaasna xaaladiisu tahay mid aad uliidata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog ay heshay Idaacadda C.Q.S ayaa sheegeeysa inuu xanuusanayo afhayeenka maleeshiyaadka al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere islamarkaasna xaaladiisu tahay mid aad uliidata.

Saraakiisha Qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in horjooge cali dheere uu kudhacay kansarka nuuca cunaha kudhaca haatan lagu hayo degmada bu’aale ee gobolka jubada dhexe sida ay xogta ku ogaadeen saraakiisha.

Horjooge cali dheere ayaa ku caanbaxay sheegashada dhibtooyinka maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay ugeeystaan Ummadda Soomaaliyeed.

Balse alle subxaanuhu watacaalaa ayaa ifka ka abaalmarinaya dhibaatooyinkii qaarkood uu maleegay iyo kuwii uu sheegtay.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray in horjoogayaasha maleeshiyaadka al-shabaab ay ku kala aragti duwanaadeen sida laga yeelayo xaalada horjooge cali dheere oo haatan ah mid aad uliidato. Horjoogayaasha qaar ayaa soo jeediyay halkiisa lagu haayo xaaladiisana laga qariyo shacabka soomaaliyeed iyo maleeshiyaadkooda.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay xanuunada halista ah ee kudhacaya horjoogayasha maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo qaarkood ay ugeeriyoodeen taasi oo muujineeysa in iyaga oo nool ifka looga jaasiyay dhibaatooyinkii ay umaleegeen ummadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah ee aan waxba kagalabsan.

Xaqa hasoo daaho ama hasoo degdega waa kiisoo daahira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip