Wararka

In ka badan 10 argagixiso ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay degaanka Xalfooleey.

0 Visits: 214 | Tuesday October 18, 2022 - 18:29:19
Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa saakay aroortii howlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka xalfooley oo u dhow xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Read More »

Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay madaxweynaha Koonfur-galbeed.

0 Visits: 222 | Monday October 17, 2022 - 17:44:13
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo ku jooga…

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga Xfs iyo Taliyaha Ciidanka Xds Oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

0 Visits: 237 | Sunday October 16, 2022 - 20:00:21
Wasiirka Gashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odaywaa Yuusuf Raage, ayaa gaaray maagaalada Baydhabo ,si loo dar-dargeliyo howlgalada dib u xoraynta dalka gaar ahaan Deeganada Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Read More »

Ciidanka Xds iyo dadka degaanka ayaa oo argagixisada kala wareegay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

0 Visits: 217 | Sunday October 16, 2022 - 16:59:20
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ayaa maanta si buuxda kooxd Argagixisada kala wareegay degaanno hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, ka dib howlgalo kooxda lagu afjaraayo oo ay qaadeen.

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Guusha ay gaareen Xulka Kubadda Cagta

0 Visits: 217 | Saturday October 15, 2022 - 19:21:50
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da' yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Read More »

Jeneraal Caanood oo loo magacaabay Afhayeenka wasaaradda Difaaca

0 Visits: 224 | Saturday October 15, 2022 - 19:18:03
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulkaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa Afhayeenka Wasaaradda difaaca u magacaabay S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood, si loo xoojiyo xiriirka warbaahinta iyo Wasaaradda.

Read More »

Ciidamo ka qeyb noqonaya kacdoonka ka dhanka ah nabad-diidka oo ka baxay Muqdisho.

0 Visits: 213 | Saturday October 15, 2022 - 19:15:32
Waxaa goor dhow garoonka Aaddan Cadde ka amba-baxay diyaarado sida ciidamo iyo gawaari dagaal oo qeyb ka noqonaya kacdoonka , kuwaas oo kusii jeeda magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Read More »

Ciidanka Xoogga Dalka oo argagixisada kala wareegay degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

0 Visits: 213 | Saturday October 15, 2022 - 19:02:00
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Read More »

Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay in ka badan 50 Maleyshiyaad ah

0 Visits: 203 | Wednesday October 12, 2022 - 12:52:11
Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ku dilay 50 dhagar qabayaal katirsan nabadiidka Al-shabaab kadib markii ay maleeshiyaadka argagixisada isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan degaankaasi.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xds iyo Wasiirka Arimaha XFS oo Kawada Hadlay U Gargaarida Dadka Ku Dhaqan Degaanada La xoreeyay.

0 Visits: 230 | Wednesday October 05, 2022 - 18:32:55
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Read More »

Ra'iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Ololaha Qaran Ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta Dalka.

0 Visits: 226 | Thursday September 29, 2022 - 23:04:23
a'iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku daah-furay ololaha Qaran ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta, munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u xilsaaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa'iideysiga awoodda caabboon ee dhallinyarada…

Read More »

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka argagixisada lagu cirib-tirayo

0 Visits: 199 | Thursday September 29, 2022 - 23:03:02
Shirkii Golaha Wasiiradda XFS oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada lagu cirib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada…

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Xds Oo Cagta Mariyay Fariisimo Argagixisadu Ku Lahaayeen Meel Udhow Degaanka Basra

0 Visits: 243 | Thursday September 29, 2022 - 22:55:31
Taliyaha guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Bashiir Cumar oo hogaaminaya howlgallada culus ee ay Ciidamada Kumaandooska Gorgor ka wadaan deegaannada dhaca xadka Shabeelooyinka ayaa warbahinta Ciidamadda u xaqiijiyay inay cagta mariyeen tuulooyinka "Sabyo. Baqdaad. Baladul-kariim. Jambaluul.…

Read More »

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ay fuliyeen ku dilay 40 ka tirsan kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab

0 Visits: 249 | Thursday September 29, 2022 - 22:49:43
Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa in ka badan 40 ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35KMT dhanka bari kaga beegan magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka…

Read More »

Wasiir difaaca iyo Taliyaha xoogga oo gaaray deegaano hoos taga Baxdo.

0 Visits: 205 | Wednesday September 28, 2022 - 23:06:52
Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Cabdisaabir, Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanada xoogga ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka deegaannada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Read More »

Maxkamad Beenaad Argagixisadu Ku Lahayd Meel Udhow Basra Oo La Burburiyay

0 Visits: 213 | Wednesday September 28, 2022 - 23:00:28
Ciidanka Xoogga, gaar ahaan ururka 9-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku khaarijiyay, Dhagarqabayaal katirsan Argagixisada Al-Shabaab oo ku sugnaa maxkamad beenaad ay ku lahaayeen tuulada Sabya oo katirsan deegaanka Basra.

Read More »

Duullaanka ka curtay Gobolada dalka oo Khilaaf adag dhaxalsiiyay Hoggaanka sare Khawaarijta Al-Shabaab.

0 Visits: 271 | Saturday September 24, 2022 - 21:49:51
Khilaaf ka dhashay duullaanka ka socda Gobolada dalka ayaa ka dhex curtay Hoggaanka saree e Khawaariijta Al-Shabaab, kadib markii leysku qabtay hanaanka loo wajahaayo duullaanka ka imaanaya dhanka Dowlada.

Read More »

Ciidanka XDS Oo La Wareegay Degaanka Labi-dulle

0 Visits: 244 | Saturday September 24, 2022 - 21:31:58
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoreynta degaannada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon kula wareegay deegaanka labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyadka Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado kahor.

Read More »

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Galguduud ku dilay ku dhawaad 10 Dhagarqabe.

0 Visits: 248 | Thursday September 22, 2022 - 19:49:44
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee gobolka Galguduud, halkaasi oo ay maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab gabaad ka dhiganayeen.

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xds oo kormeeray Xerada Bali-doogle ee Kumaandooska Xds ee gobolka Shabeelaha hoose.

0 Visits: 220 | Wednesday September 21, 2022 - 16:37:12
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Read More »