Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey

0
Saturday April 25, 2015 - 14:13:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey

    Saraakiishaan oo qaadatay tababarka layli sarkaal oo dhawaan loo soo gabagabeeyay ayaa maanta munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada xooga dalka ee Jasiira waxaa looga dhawaaqay in loo kala badalay qaybo ka mid ah Ciidanka waxaana ka qayb galay wasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiishaan oo qaadatay tababarka layli sarkaal oo dhawaan loo soo gabagabeeyay ayaa maanta munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada xooga dalka ee Jasiira waxaa looga dhawaaqay in loo kala badalay qaybo ka mid ah Ciidanka waxaana ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdalle Xuseen Cali. Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka xooga.

Saraakiishaan ayaa waxaa loo kala badalay dhowr gobol iyo qaybo ciidanka ka mid ah sida taliye koox ,taliye horin,tababarayaal iyo kuwa kale dugsiyada tababarka ciidanka ee Dhoobley, beledxaawo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo goobo kale ayaa saraakiisha qaar loo badalay.

Madaxa hogaanka Ciidanka JeneraalCaynte oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu halkaa ka aqriyay magacyada saraakiisha iyo goobaha loo kala badalay isagoo kula dardaarmay saraakiisha in howlaha loo idmaday ay u gutaan si wanaagsan.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cabdi Risaaq Khaliif Cilmi ayaa waxaa uu sheegay in uu socdo qorshe balaaran oo dib u habeyn iyo tayeen loogu sameynayo Ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in marka la gaaro 2016 ka ay ciidamada AMISOM kala wareegaan dalka goobaha ay ka joogaan saraakiishaanina ay qorshahaas qayb ka yihiin.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdalle Xuseen Cali ayaa waxaa uu la dardaarmay saraakiisha la dalacsiiyay ee loo idmaday in ay hogaanka ciidanka xoogga ka qayb qaataan .

Ciidamada mas’uuliyiintu ay kula hadleen xerada Jasiira ayaa waxaa ka mid ahaa ku dhawaad 30 arday ka soo qalin jabisay kuliyada ciidamada jaamacad ku taala dalka Sudan. Xaflad lagu qabtay magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dalkaas mudane Cumar Xasan Al Bashiir iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya mudane Cabdalle Xuseen Cali waxaana Al Bashiir uu kula dardaarmay Ardadydaan in aqoonta ay barteeen ay ugu adeeegaan Qaranka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip