Kooxda UGUS oo isku hor imaad gacan ka hadal ah ku dhex maray G/Hiiraan.
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay uu Maleeshiyaadka Al-shabaab ku dhex maray deegaano hoostaga G/Hiiraan.
Deegaanada ay Maleeshiyadu kuwada dagaalameen ayaa waxaa kamid ah Halgan iyo Garasaani ee gobolka Hiiraan, Dadka deegaanada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku dhexmaray maleeshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab waxaana ku dhintay Afar Qof iyo dhaawaca oo inta ka badan.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku kooban maleeshiyaadka wada dagaalamay ee Al-shabaab mana jirto khasaaro ka soo gaaray dadka deegaamadan.
Dagaalka ayaa Ilaa hada waxaan ka hadal Hogaanka sare ee Maleeshiyada Alshabaab, mana jiraan warar dheeri ah oo laga helaayo sababta ka dambeysay dagaalka.