Ciidanka oo Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjoogihii Al-shabaab u qabaailsanaa Guriceel,

0
Sunday January 23, 2022 - 05:30:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka oo Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjoogihii Al-shabaab u qabaailsanaa Guriceel,

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaarijiyay Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab u qabaailsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud iyo maleeshiyaadkale oo lasocday kuwaasi oo gaarayay lix.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaarijiyay Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab u qabaailsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud iyo maleeshiyaadkale oo lasocday kuwaasi oo gaarayay lix.
Maleeshiyaadka ayaa doonayay inay caawa gaari waxyaabaha qarxa ay ku soo rareen ku soo weeraraan magaalada guriceel ee gobolka Galguduud.
Ciidanka xoogga dalka oo kawar helay dhagarta argagixisada ayaa gaaray degaanka dhagaxyaale oo dhanka koonfureed kaxiga magaalada guriceel.

waxayna gacanta ku dhigeen gaarigii Paradada aha ee al-shabaab qaraxyada ka soo buuxiyeen iyo Jaakado Qaraxyo ah waxeeyna Ciidanka Khaarijiyeen Horjoogihii u qaabilsanaa argagixisada magaalada gurigeel kaasi oo lagu magacaabo Daauud Ibraahim Shaambil, iyo laba maleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegayTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage.


Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta galmudug ay ku raad joogaan Sadaxdii kale ee baxsatay islamarkaasna gacanta ay ku soo dhigidoonaan.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip