Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay ergeyga gaarka ah ee Q.M u fadhiya Soomaaliya

0
Wednesday January 12, 2022 - 17:26:16 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay ergeyga gaarka ah ee Q.M u fadhiya Soomaaliya

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Siciid Samatar ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya. Waxayna kawada hadleen sid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Siciid Samatar ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya. Waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.
Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

Wuxuu uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay lagarab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip