Ciidanka Xoogga dalka Howgalo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay Jawhar

0
Thursday January 06, 2022 - 18:44:29 in Wararka by
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka Howgalo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay Jawhar

    Hawlgalkaani Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada seddexaad ee qaybta 27aad ee xoogga dalka ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana hoggaaminayay Taliyaha hawlgalinta guutada sedexaad ahna ku simaha Ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalkaani Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada seddexaad ee qaybta 27aad ee xoogga dalka ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana hoggaaminayay Taliyaha hawlgalinta guutada sedexaad ahna ku simaha Taliyaha guutada Gashaanle Ismaaciil Kuulow Xasan {TUURE}.

Hawlgalkaan ayaa kooxda Argagixisada Al-Shabaab looga sifeeyay deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka  Shabeelaha Dhexe. waxaa ka mid ah tuulooyinka laga saaray Golaley Daa’uud, Cadayga , Moorajiido ,jedda saarsaare  Gumareey iyo waddada isku xirta  Jowhar iyo Balcad oo ay ka sifeeyeen walxaha qarxa oo ay horay ugu aaseeyn Kooxda argagixisada.

Taliyaha hawlgelinta Ismaaciil Kuuloow Tuure oo ka warbixiyay ujeedka hawlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay in uu yahay mid lagula dagaalamayo argagixisada, maadaama shacabka deegaannadaan ay dhibaatooyin kala duwan ku hayeeyn.

"Illaa laga cirib tiro argagixisada wuu soconn  doonaa dadka ku nool deegaanadaan ayaa cabashooyin fara badan naga soo gaareen, waana u soo gurmanay si aan argagixisada, uga xoreeyno firxad koodi, ayaan daba soconaa meesheey galaan ayaan uga dabategidoonaa, waxaan u sheegeeynaa gaadiidki, isticmaali jiray wadda,u dhexeeysa Jowhar,iyo Balcad in la marikoro wixii hadda ka danbeeya”.ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu kormeer ku tegay Taliska ururka 19 ee Guutda Sedexaad ee fadhigiisu yahay Qalimow, wuxuuna kula dardaarmay in ay gutaan wajibaadka, kana foogaadaan waxkastoo dhaawacaya Qarannimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip