6-ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo lagu soo qabtay howlgal a dhacay Shabeellaha hoose

0
Sunday January 02, 2022 - 10:56:35 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6-ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo lagu soo qabtay howlgal a dhacay Shabeellaha hoose

    Ciidamada Kumaandooska Gor-gor, ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha hoose waxeey ku soo qabteen tiro ka tirsan maleeshiyaad ka tirsan Nabdiidka Al-shabaab, sida ay shegeen saraakisha hogaamineysay ciidamada Gor-Gor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Gor-gor, ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha hoose waxeey ku soo qabteen tiro ka tirsan maleeshiyaad ka tirsan Nabdiidka Al-shabaab, sida ay shegeen saraakisha hogaamineysay ciidamada Gor-Gor.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmadda Aw-dheegle gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo lagu tuhunsanaa in ay ku dhuumaaleysanayeen Xubno ka tirsan Argagixisada.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidamada Gor-Gor waxaa hogaaminayay Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Dayax Cabdi Cabdulle.

Deegaanada ay Ciidanku howlgalka ay ka sameyeen ayaa kala ah degaanka Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar-yareey kuwaa oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha Ciidanka Gor-Gor hogaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in howlgalka lagu soo qabtay 6 ka tirsan kooxda argagixisada Al-shabaab ,kuwaasi oo ku howlanaa dhibaateynta shacabka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip