Taliska ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u diray Askarta waxyelleeyso Shacabka

0
Saturday December 04, 2021 - 13:55:46 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u diray Askarta waxyelleeyso Shacabka

    Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ciidamada uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in Askarigii qof shacab ah xabad ku rida in maxkamad la geeyndoono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ciidamada uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in Askarigii qof shacab ah xabad ku rida in maxkamad la geeyndoono.

" Wxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadan magaalada Muqdisho uu ka dhacayay falal amnidaro oo aad u fool xun, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubaxii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliyaha Ciidamada dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa hadalkan ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeynayay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Qaranka ee Gor Gor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip