Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar

0
Friday December 03, 2021 - 12:48:19 in Wararka by
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar

    Safiirka Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaardda soo dhaweyn diiran ugu sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen.Cabaas Amiin Cali, Tal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaardda soo dhaweyn diiran ugu sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen.Cabaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Cirka Gen.Maxamuud Sheeq Cali, Gaashaanle sarre Axmed Maxamed Xasan oo howlo shaqo u yimid Masar.
Kulanka soo dhaweynta waxa goob joog ahaa U Qeybsanaha Ciidamadda Safaaradda Gen. Liibaan Alow Yarow iyo Gen.Maxamed Sharmaan oo kamid ahaa saraakiishi horre ee Ciidanka Xooga dalka ee usoo halgamay midnimadda iyo jiritaanka Soomaaliya.

Gen: Maxamed Sharmaan ayaa la ilmeeyay dareen farxadeed isagoo sheegay in maanta uga dhigan tahay maalin weyn oo farxadeed maadaama isagoo ku sugan Safaaradda dalkiisa uu kulla kulmay saraakiishii dalka ee qaarkood ay soo wadda shaqeeyeen, waxaana uu midaas uga mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo suurta geliyay kulanka maanta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip