Ra'isul wasaare Rooble oo cambaareeyay Falkii arxan darada ee ay Nabadkii Al-shabaab ka geysteen Bakool
Ra'iisul Wasaare Rooble"Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.
Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.”