Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday rag horay dhac uga geystay Muqdisho

0
Sunday October 17, 2021 - 14:25:45 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday rag horay dhac uga geystay Muqdisho

    Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey" iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey" ayaa markii ugu horraysan ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey" iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey" ayaa markii ugu horraysan ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada.

Faarax iyo Maxamed ayaa Carwada ka qaaday IPHONE, SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey” ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID.

Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey” oo maqana ah.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed "Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip