Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo lagu dilay Jubadda Hoose.
Howgalo ay si wadajir ah ay u sameeyeen Ururka 5aad guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland,ayaa mid looga hortagayay dhagarta kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab,oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay deegaanada Bar sanguuni, malayleey ,bandarjadiid ,araare, koban, bangeeni & Degaano kale oo tirsan Gobolka jubada Hoose.
Intii ay howlgaladu socdeen waxaa ay Ciidamadu dileen 13 isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-shabaab.
Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa sidoo kale duqeymo ku burburiyay ,fadhiisamadii kooxdu ay ku lahaayeen deegaanada howlgaladu ka dhaceen ,sida Idaacadda Ciidamada u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Danab.