Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee labada wadan iyo gobalka

0
Saturday September 04, 2021 - 12:49:49 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee labada wadan iyo gobalka

    Wasiirada gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka labo geesood ah iyo arrimaha gobolka, ka dib kulan jimcihii ku yeesheen dalka Turkiga, sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka labo geesood ah iyo arrimaha gobolka, ka dib kulan jimcihii ku yeesheen dalka Turkiga, sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa xarunta wasaaradda gaandhigga ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, mudane Xasan Xuseen Xaaji oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga.


 

Labada wasiir ayaa waxay yeesheen kulan fool ka fool ah ka hor inta aan wada hadalkii rasmiga ahaa.

Arrimaha aya ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta iskaashiga amniga iyo dhanka difaaca, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

 

Wasiir Hulusi Akar ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay horumarinayan xiriir ku dhisan, saaxiibtinimo iyo walaalnimo gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo gaashaandhigga.

 

Waxaa uu intaas ku daray, in Turkiga uu sii wadi doono garab istaaga dadka Soomaaliyeed ilaa ay helaan nabad iyo deegaan nabad geliyo ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip