Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay Safiirka Soomaliya ee Turkiga

0
Wednesday September 01, 2021 - 23:41:28 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay Safiirka Soomaliya ee Turkiga

    Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Senator Xasan Xuseen Xaaji oo howla shaqo u jooga dalka Turkiga ,ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi kulan kula qaatay Safiirka dowladda Soomaliya ee dalka,isagoo ka wareystay howlaha safaaraddu ay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Senator Xasan Xuseen Xaaji oo howla shaqo u jooga dalka Turkiga ,ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi kulan kula qaatay Safiirka dowladda Soomaliya ee dalka,isagoo ka wareystay howlaha safaaraddu ay u heyso bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulan is xogwareysi ah la qaatay u qeybsamaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda iyo ku xigeenkiisa isagoo wax ka weydiiyay hanaanka ay u socdaan tababarada la siiyo Ciidanka kumaandooska Gorgor, warbixin dhameystiran ayeyna ka siiyeen howlaha  qaran ee ay u hayaan Ciidanka Xoogga.


Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa boogaadiyay dadaalada ay wadaan Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee turkiga oo uu ugu horreeyo Danjiraha DFS u jooga dalka Turkiga , Waxaana uu u dhiiragaliyay in ay sii labo jibaaraan u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed ee ay matalaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip