Saraakiil ka tirsan xooga dalka ayaa gaaray magaalada Garbahaarey
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha guutada 10-naad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Shiikh Aadan Faroole Oo Hawlo Shaqo Ugu Maqnaa Magalooyinka Balladxaawo Dolow Iyo Luuq, ayaa gaaray magaalada Garabahaarey gobalka Gedo,waxaana garoonka diyaaraha kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka.
Taliyaha Boliska gobolka Gedo Gashaanle Sare Cabdiqadir Cumar Biixi Barasaab Xigeenkiisa Nasteex Cabdi Saalax, Captain Cabdiqadir Xuseen Cali Taliyaha Hawlgalinta Guutada Ahna Kusimihii Taliyaha Iyo Abaanduula Guutada Ayaa Si Wada Jir Ah Oola Hadlay Warbaahinta waxaana ay sheegeen in ay Ciidanka xoogga dalka ay mar walba u taaganyihiin difaaca dalka.
Warfaa Sheikh Aadan Faroole Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidamada Dhulka Ayaa Ugu Danbayn Ka Mahadceliyay Soo dhaweynta Ay U Sameyeen Saraakiisha Ciidamada ,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada.
Sidoo kale taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka ku booriyay in dadaalada lasii kordhiyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Nabadiidka ah.
Saraakiil ka tirsan xooga dalka ayaa gaaray magaalada Garbahaarey
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha guutada 10-naad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Shiikh Aadan Faroole Oo Hawlo Shaqo Ugu Maqnaa Magalooyinka Balladxaawo Dolow Iyo Luuq, ayaa gaaray magaalada Garabahaarey gobalka Gedo,waxaan