Dhagarqabayaal Ka Tirsan Maleeshiyada Al Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.

0
Friday July 30, 2021 - 17:53:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagarqabayaal Ka Tirsan Maleeshiyada Al Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.

    Dhagar qabayaashan ka tirsanaa nabaddiidka Al-Shabaab ee isku soo dhiibay ciidamada qalabka sida ee howlgalada lagula dagaalamayo kooxda ugus ka wada deegaanada u dhexeeya degmada Ceelbuur iyo Guriceel, ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Nur bare &qu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhagar qabayaashan ka tirsanaa nabaddiidka Al-Shabaab ee isku soo dhiibay ciidamada qalabka sida ee howlgalada lagula dagaalamayo kooxda ugus ka wada deegaanada u dhexeeya degmada Ceelbuur iyo Guriceel, ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Nur bare " iyo Mowliid Cumar faarax "Ciro" .
Dhagarqabayaashan ayaa sheegay iney ka qeyb qaateen howlgallo dhowr ah oo lagu dhibaateynayay shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyo Fariisamaha ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada, sidoo kalana waxay xaqiijiyeen iney ka qeyb qaateen Howlgalo badan oo lagu weeraray masuuliyiin dowladeed iyo ganacsato.

Dhagarqabayaashan ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ka muuqday Diif iyo Daal fara badan, ayadoo loo maleynayo iney soo galeen safar dheer, ayaa sheegay iney argagaxisada la shaqeynayeen muddo dhowr sano ah kooxdana ay u qaabilsanaayeen dhinaca weerarada ku dhufoo ka dhaqaaqda ah ee jabhadeynta, mudana ay qayb ka ahaayeen ficilada guracan ee argagaxisada dhibaatada iyo xasuuqa ku heyso Shacabka Soomaaliyeed.


Dhagarqabayaashan ayaa sheegay iney ka tanaasuleen fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, oo ay khaldeen kooxda nabadiidka Al-shabaab hadana ay garteen iney hab Dhaqanka guracan ee maleeshiyada uusan ahayn mid u adeega Diinta iyo Dhaqanka suuban ee islaamka, iyagoo codsaday in la cafiyo, diyaarna ay u yihiin iney la dagaallamaan maleeshiyada.

Dhagarqabayaashan ayaa sidoo kale sharaxay sababihii ay isku soo dhiibeen, waxayna ku sheegeen in Al-shabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, sidoo kalena ay kala kulmeen dhibaatooyin fara badan.
 
Isa soo dhiibitaankoodana ay ka dambeysay ka dib markii ay maqleen inuu markale uu Cafis u fidiyay dhalinyaradda ay qaldeen horjoogayaasha maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ka dibna ay xiriir la soo sameeyeen saraakiisha qaabilsan Barnaamijka qaran ee dhaqancelinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Gaashaanle sare cabdulaahi cabdi raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed cartan " Gasaawe" oo ka mid ah saraakiisha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo soo dhaweeyay xubnahan ka soo tagay Alshabaab ayaa sheegay iney xiriir la soo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay iney isasoo dhiibaan, markii ay qirteen dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa wada howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taa soo keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda nabaddiidka, oo ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee howlgalada ka wada dhamaan Gobolada Dalka .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip