Hiiraan: Ciidanka xoogga oo jab xoogan u geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab "SAWIRRO"

0
Thursday July 29, 2021 - 21:50:52 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiiraan: Ciidanka xoogga oo jab xoogan u geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab "SAWIRRO"

    Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 80-aad gurmadka Qeybta 27aad, Ururka 52-aad Gurmadka Qeybta 27-aad, Ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo si wada jir ah isku kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay deegaanno h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 80-aad gurmadka Qeybta 27aad, Ururka 52-aad Gurmadka Qeybta 27-aad, Ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo si wada jir ah isku kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga Dalka oo adeegsanaya xeeladaha dagaalka ee ciidan ayaa dagaal la galay maleeshiyaadka Argagixisada, waxaana ciidanka ay durba cadowga kala wareegeen deegaanno dhowr ah sida Ceelbacaad iyo kuwo kale.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxa ay ciidanka xoogga dalka gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo Argagixisada ay ka furteen, waxaana Argagixisada goobta dagaalka ay uga carareen Meydad badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo  dhallinyaro ay soo qaldeen.

31-ka mid ah Maleeshiyaadka Khawaarijta Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanno hoostaga Buula-burte, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalka hogaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkii maanta ay jab xoogan ugu geysteen dhagarqabayaasha Al-Shabaab, ayna ka furteen 14-qori oo AK-47 ah 1-qori BKM ah iyo 1-qoriga RPG ah.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ay  maalmihii la soo dhaafeen ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip