Koonfur Afrika oo ka hor timid in Israa'iil xubin joogto ah ka noqoto Midowga Afrika
Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka soo horjeesatay go'aan loogu ogolaanaayo Israa'iil inay xubin korjoogta ah ka noqoto Midowga Afrika.
Bayaan kasoo baxay waasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika, ayaa lagu sheegay in go’aankaas yahay mid caddaalad darro oo aan la aqbali Karin.
Bayaanka ayaa intaas ku daraya inaan wax la tashi ah lagala sameynin dowladda Koonfur Afrika go’aankaan xaq darradda ah.
Wasaaraada ayaa sheegtay in go’aankan la qaatay sanad ay shacabka Falastiin la kulmeen duqeyn iyo boob dhuleed oo bilaa sharci ah,oo Israa’iil kula caday.
Waxaa xusid mudan in safiiradda Isaraa’iil u fadhida Addis Ababa, Aline Adamsu, ay waraaqaheeda aqoonsiga u gudbisay guddoomiyaha Midowga Afrika 22 bishaan july si ay Israa’iil xubin korjoogta ah uga noqoto Midowga Afrika.