Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo Gobolka Shabeelaah dhexe kudilay Maleeshiyaad katirshan Al-shabaab.

0
Monday June 21, 2021 - 20:00:53 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo Gobolka Shabeelaah dhexe kudilay Maleeshiyaad katirshan Al-shabaab.

    Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab kasameeyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe. Ujeedka howlgalka ayaa ahaa kahortaga dhagarta ay kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab usoo maleegaan shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab kasameeyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe. Ujeedka howlgalka ayaa ahaa kahortaga dhagarta ay kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab usoo maleegaan shacabka soomaaliyeed iyo burburinta meelaha ay gabaadka kadhigtaan.
Howlgalka oo ay fuliyeen Ururka 7-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa waxeey kasameeyeen degaano ay kamid yihiin , Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdhee, iyadoo ay qasaare kugaarsiiyeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa burburiyay meelo ay kudhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah waxeeyna qaarijiyeen 8-kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab oo uu kujiray mid miino ku aasayay wadada si ay dhibaato ugu geeystaan shacabka Soomaaliyeed ee wadooyinka deganada howlgalka laga fuliyay isticmaala.

Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan "Xasan Tuure" oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka kumaandooska Xoogga Danab gaar ahaan Ururka 7-aad ay kuguuleeysteen inay kahortagaan dhagartii argagixisada ay umaleegayeen shacabka kudhaqan gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaasna lakordhindoono howgalada kadhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa intabadan fuliya hawlgalolagu qaarijiyo Horjoogayaasha iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Al-shabaab.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip