Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay

0
Sunday June 20, 2021 - 12:43:12 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay

    Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa howlgal ku dilay ilaa 24-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,halka tiro kalena lagu dhaawacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa howlgal ku dilay ilaa 24-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay saddex jeer isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay, habeenkii xalay,iyadoo halkaasi looga khaarijiya maleeshiyaad islamarkaana ciidanku ay la wareegeen hubkii ay wateen.

 

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col:Cali Xaashi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in argagixisadii weerarka soo qaaday halkaasi looga khaarijiyay 24-maleeshiyaad ah oo meydadkood yaala goobihii howlgaladu ay ka dheceen,dhaawacana intaasi kadanyahay kuwa firxadka ahna lagu raad joogo.

Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jirta in ka badan 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaaar ahaan, talista qeybta 60-aad.

 








 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip