Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab kudilay Gobolka Jubada hoose.

0
Sunday June 13, 2021 - 20:38:17 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab kudilay Gobolka Jubada hoose.

    Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayaa ujeedkiisu ahaa baacsiga maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab waxayna ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab kasameeyeen degaada Golashimbi, beerxaani, libo kuus, cabdi dhoore kuwaasi oo dhinaca galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayaa ujeedkiisu ahaa baacsiga maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab waxayna ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab kasameeyeen degaada Golashimbi, beerxaani, libo kuus, cabdi dhoore kuwaasi oo dhinaca galbeed kaxiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.
Kumaandooska ayaa qasaare xoogan gaarsiiyay argagixisada iyadoo halkaasi looga dilay 16-maleeshiyaad ah tiro intaasi kadan ayaa laga dhaawacay sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab Carab Dheeg Axmed.

Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen ciidanka Nisa qeybta Jubaland ayaa waxaa baritaano lagu sameeyay deganaadii maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab isaga laga ceeyriyay ee ay ciidanka hwolgalka qorsheeysan kutageen.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineeysay ayaa shacabka kudhaqan degaanada deegaanka Golashimbi, beerxaani, libo kuus, cabdi dhoore kulamo xogwareeysi ah layeeshay.





















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip