Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab kawada Gobolka Shabeelaha hoose..
Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan kasameeyay degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah utababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoostaga degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Balow iyo Nuunaay
Ciidanka ayaa waxeey bariitaano kusameeyeen meelaha
lagu tuhmayo iany gabaad kadhigankaraan argagixisada al-shabaab waxeeyna
kuguuleeysteen inay 4-miinooyinka dhulka lagu aaso kasaoo saaraan inta
udhexeeysa degmada awdheegle iyo degaanka bariire kuwaasi oo ay maleeshiyaadka
kooxda nabadiidka al-shabaab kudoonayeen inay kudhibaateeyaan shacabka
soomaaliyeed ee isticmaala wadadaasi balse ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
oo utaagan badbaadinta shacabkooda iyo kahortaga dhagarta cadawga ayaa
kuguuleeystay inay kahortagaan miinooyinkaasi al-shabaab dhulka ku aaseen.
Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xds Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale Qaran iyo Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkani laga hortagayay dhagarta argagixisada hoggaaminayay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab kawada Gobolka Shabeelaha hoose..
Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan kasameeyay degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose. Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah utababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad