Ciidanka Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay qamri si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaalada Bosaaso.

0
Tuesday May 18, 2021 - 12:15:01 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay qamri si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaalada Bosaaso.

    Ciidanka Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa saakay Kontaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ku qabtay khamri farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa saakay Kontaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ku qabtay khamri farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaas.

Taliska Booliska gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in askar ka tirsan Ciidanka ay doonayeen inay qarsoodi ku geliyaan khamriga gudaha Boosaaso, hayeeshee ay ka hortageen Ciidamada joogay Kontaroolka Magaalada.

Waxaa uu sheegay taliska Gobolka Bari in dhalooyinka khamriga lagu soo dhex qariyay kaartoonada Saliida, isla markaana haatan ay socdaan baaritaano kala duwan oo ku aadan khamriga la qabtay iyo dadkii loo waday.

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo lug ku yeesho in khamrigaan la soo galiyo magaalada Bosaaso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip