MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA JANARAAL CALI ISMAACIIL MAXAMED.

0
Tuesday May 18, 2021 - 12:08:52 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA JANARAAL CALI ISMAACIIL MAXAMED.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo maanta lagu aasay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo maanta lagu aasay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada  Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo  qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip