Taliyaha Ciidanaka Xoogga Dalka oo Munsaabada Ciida ladabaaldagaya Ciidanka Kumaandooska Danab.

0
Thursday May 13, 2021 - 16:56:14 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanaka Xoogga Dalka oo Munsaabada Ciida ladabaaldagaya Ciidanka Kumaandooska Danab.

    Taliyaha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed jeneraal odowaa yuusuf raage ayaa wuxuu manta salaada ciida latukaday shacabka kudhaqan degmada walan-weyn ee gobolka shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed jeneraal odowaa yuusuf raage ayaa wuxuu manta salaada ciida latukaday shacabka kudhaqan degmada walan-weyn ee gobolka shabeelaha hoose.
Taliyaha ayaa Sidoo kale faraxada munaasabada ciida soonfur xerada bali doogle kula qaatay askarta ciidanka danab Taliyaha ayaa Markii uu gaaray Saldhigga Balidoogle waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Kumaadooska Soomaaliya.
Ujeedka booqashada taliyaha ciidanka xoogga dalka jenereeal odowaa ee xerada bali doogle ayaa ah dhiirigalinta ciidanka iyo sidii uu ula ciidi lahaa ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab madaamaa xoogga dalka soomaaliyeed xili kasta ay u taaganyihiin sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen cadawga.


Ciidanka xaruntaan dagan oo ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee lagu Bartilmaameedsado Nabadiidka Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage waxa uu la yeeshay kulumo iyo is xog wareeysi uu ku oganayo sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan saraakiisha cadankaasi.

Waxa uuna sheegay in ciidamada danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka Sida waxa uuna uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ay ka soo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo Nabadiidka Al-shabaab waxa uuna kormeer ku sameeyay Qeybaha kala duwan ee xerada tababarka Balidoogle
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Xusay in ay ka go,an tahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada Horumarka iyo Nabada dalka diidan isagoo tilmaamay in qorshaha taliska Ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan Cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Ciidamada Danab ayaa ah kuwo si gaar ah u fuliya howlada qorsheysan ee lagu qaarajiyo Horjogayaasha iyo maleyshiyaadka ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip