Gobolada dalka oo maanta si weyn looga dareemay dabbaaldegga Ciidul-fitriga

0
Thursday May 13, 2021 - 16:21:55 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolada dalka oo maanta si weyn looga dareemay dabbaaldegga Ciidul-fitriga

    Maamulada gobolada dalka iyo qeybaha ururada bulshada ayaa maanta u dareeray dabbaaldegga maalinta koowaad ee munaadabadda Ciidul-fitri oo guud ahaan si wadahir ah looga xusay caalamka oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada gobolada dalka iyo qeybaha ururada bulshada ayaa maanta u dareeray dabbaaldegga maalinta koowaad ee munaadabadda Ciidul-fitri oo guud ahaan si wadahir ah looga xusay caalamka oo dhan.

Dabbaaldegyadaan oo ka dhacay guud ahaan gobolada dalka waxaa dadku ay ku soo bandhigeen fantasiyo lagu weyneynayo qiimaha maalinta Ciidda.

waddooyinka waxa ka muuqdacaruur ku labisan dharka ciida oo raxan raxan ah,iyadoo qeybaha bulshada u dareereen suuqyada iyo xaafadaha si farxada ciidul fidriga ay ula wadaagaan ehladooda iyo asxaabtooda..

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa laga dareemayaa mashquul ,iyadoo dadku ay isu gudbinayaan hambalyo ku aadan Ciidda.

Dhinaca kale,Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa saaka dadweynaha kala qeybgalay dukashada salaadda Ciidul-fitriga oo laga oogay inta badan degaanada dalka.

Masuuliyiinta iyo culimaa’udiinka ka soo qeybgalay munaasabada salaada ciida ayaa hambalyo u direy umada islaamka gaar ahaan bulshada waxayna fareen in dadka masaakiinta ah laga farxiyo nabadana lagawada shaqeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip